Galbis iyo weeyi gaaf arooskiinu
Nabad lagu gargardaadshoo
Gacaltooyo iyo xidid is gudoonsadeen yarad

GUULOW lamaanahan ubadiyo gargaarsii
Gayigooda nabadiyo ka yeel guri barwaaqo

DAA'IMOW ku guulee noloshooda guudiyo
Noloshooda gaarka ah
Waxaad guud ka huwisaa xubi aan gaboobayn

Galad weeyi EEBE arooskiinu
Caawaa gooni loo helay
Farxad gabi ahaanteed
GUULE siiyay goor wacan

Noqda kuwa gasiinkana ku wadaaga qacan qudha
Oo Gogol ku wada lada aakhiro janada gala

Exit mobile version