Dal burburay dadkiisii debaadigi ka soo haray dulli iyo dhib kama baxo illaa dawlad caadila iyo qaran dib loo helo doodi waxay ka joogtaa dadweynuhu isweydiin darajiyo xil yaa mudan? bulsho daadahayn kara? Dadka Somaliyeedow farriimaha durdura iyo su’aalaha is deba yaal dulucdiyo ujeedada waa dood inoo furan! Yaa colaadda damin kara? dabka yaa bakhtiin kara? yaa dooni kara nabad? dalka dibudhiskiisiyo DADKA yaa wax tari kara? Yaa qaranki shaley dumay darbiga u adkayn kara? ummada yays ku duwi kara kala durugtay waayadan? Dariiqyada agoontaa gaajadu ku dubatiyo curyaamiinta daawiyo yaa daryeel u fidin kaara? Waa DACAR qabiilkuye yaa “Diidey” oran kara? dadka yaa hor iman kara? hadal deeqa oran kara? kasban kara rag iyo dumar? oo xumo ka daahira? Cadceed baa dul joogtoo dhidid baa ka da’ayoo diif baa ku raagtoo BULSHO daalan weeyee Durdurada xarreediyo yaa damalka geyn kara? dareenkii waddanigiyo yaan ka dhiman DAMIIRKOO dhibaatadu damqaysaa? Kuwaa daydaygaa iyo qaaddicul dariiqyada duruus yaa u dhigi kara? dawga toosan marin kara? hubka daadsha oran kara? dawladaha jaarkiyo lays kama durduriyee sumcad dunida yaa ku leh? dhan yaa ku leh dulqaad badan dhanna ku leh dadaal wacan dhanna daacadnimo sugan oo na daadahayn kara? Waxaa duubka xiran kara oo doonta wada kari nin la doortay oo mudan! annaguna darajadaa(saan) duco iyo kalsooniba ugu sii daraynaa!
