 search
     
        menu
  
	
  
			
		search
     
        menu
          Magool
 Huqdaad i goysaa
 la cidla laga hayaamee
 hayinaan ku guuraan
 heeryo saaro waayee
 hiboow heedhee
 ma marki aan heshiinaad
 ayaad horumarkii iyo
 wanagii hilmaamtay
Salaad Darbi
Hibooy kama hadal la aynee
 hibooy hawlaha aduunkiyo
 dhibaatay hor taagane
meehanaabayee
 oo haraadayee
 waxaba haysanaade
hoodiyo ayaaniyo
 hibuu rag isku dhaafee
 habeen dhalad ninkii ahna
 talo kama habawdee
 hibooy hadimada adaa leh
hibooy kolka waan hinqadayo
 hibooy hareeraha i qaadaye
 waxaan haabta waayee
Magool
Hinqaryada i haysiyo
 duryan baa hadal batee
 waxaad haabanaysiyo
 hanti kuguma lurayee
 hadhka labada galiniyo
 hooskaa wareegee
 hiboow heedhee
 ma marki aan heshiinaad
 ayaad horumarkii iyo
 wanagii hilmaamtay
Salaad Darbi
Hibooy kama hadal la aynee
 hibooy hawlaha aduunkiyo
 dhibaatay hor taagane
