Wanaagu dhibaaga
Jacaylka dhantaala
Xumaan u dhafraaga
Shirqool la dhigaaga
Dhanxiirka warkiisa
Dhexdeenu ma deeqdo 
Inuu dhismo caashaq
Dhantaala ka doono
Inuu dhidib taagan
Inuu dhaca doona
Sidaa qofka dhifa
Sharkiisu ma dhaafo 
Dhambaal xumayaasha
Dhidhkoodu ku kooban 
Dhawaaqa iblayska
Dhagteenu ka awdan 
Hortaa kuma dhaadan
Dhigaa uma baahan
Dareenka dhitoobay
Dhamaanba jacaylka
Midkaan ku dhameeyay
Dhabtii adi weeyi 
Dharaaro xusuusta
Markaan dib u dhaado
Lamaano is dhawrta
Dhaaxaynu ahayne
Sidaan dhursugaynay
Bagay inoo dhabawday 
Dhambaal xumayaasha
Dhidhkoodu ku koban 
Dhawaaqa iblayska
Dhegteenu ka awdan 
