 search
     
        menu
  
	
  
			
		search
     
        menu
          
	
  1. Qaabka mobile-ka:
  Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
  
  
  
  2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn 
  Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
  
  
  Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah  Snap chat-ka la xariir #Lamaane
 
 
Sida geed qabow iyo
Dhex qotomo xareedoo
Sida geed qabow iyo
Dhex qotomo xareedoo
Qotodiisu dheertahay
Qotodiisu dheertahay
2×
Intuu qeybshay laamaha
Ubax qaayo weyn iyo
Intuu qeybshay laamaha
Ubax qaayo weyn iyo
Midho guudka qariyeen
Midho guudka qariyeen
2×
Dhulka rays qoyaanloo
Casar qabatay qoraxdii
Dooguna ku qaybsamay
Ayaad qurux u dhigantaa
Dooguna ku qaybsamay
Ayaad qurux u dhigantaa
2×
Laba qod wadaagtoo
Wada qaata nololbaan
Qalbigayga galiyee
Adna adna laabta igu qabo
Adna adna laabta igu qabo
2×
Sida eebe kuu qoray
Qoortaada dheer iyo
Qumatiga jidhkaagaan
U qushuucay aniguye
2×
Qun yar soco talaabada
Markaad qaado laafyaha
Qun yar soco talaabada
Markaad qaado laafyaha
Naftaad qiiro galisaa
Naftaad qiiro galisaa
2×
Qaalidii haweenkaay
Waxa dhaaba qayrkii
Qaalidii haweenkaay
Waxa dhaaba qayrkii
Qoyskaad la noqotee
Qaadir ha isku keen simo
Qoyskaad la noqotee
Qaadir ha igu kaa simo
Laba qod wadaagtoo
Wada qaata nololbaan
Qalbigayga galiyee
Adna adna laabta igu qabo
Adna adna laabta igu qabo
2×